Xukuumadda oo ka jawaabtay Biriijka Lafaruug Shir jaraaid

Xukuumadda oo ka jawaabtay Biriijka Lafaruug 21-03-2023 Shir jaraaid waxa maanta kulan warbaahineed qabtay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumaringa Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Eng Mawlid Nuux Ibraahim iyo Gudoomiyaha Guddida Berbera Corridor Eng Ciise Yuusuf Xamari. Shirka jaraaid ayaa daaranaa in ay cadeeyaan xaaladda kasoo korodhay Bridge ka Lafaruug oo waxyeelo ay u gaysteen roobabkii da’ayay maalmihii dhawayd. Iyaga oo halkaasi ka cadeeyay in shirkada wada ee NBHH hore loogala hadlay farsamada iyo qaabka bridge,yada Abdaal,Lafaruug iyo Cabaadwayne imikana ay wali masuul ka tahay shirkadu wixii soo gaadha oo wali aanay si rasmi ah loola wareegin. Shacabkana u bayaamiyay in cida dhisaysa oo ah NBHH, shirkada u leh kor joogtaynta ee Concern ay masuul ka yihiin dawladuna ay ka tahay faaiidaystataal guddidna Berbera Corridorna wixii talo iyo soo jeedin ah u qaabilsan tahay dhinaca xukuumada (overseen). Dhinacooda iyagoo hadalkooda sii wata ayaa waxay shacabka u cadeeyeen in shaqadu socoto wali shirkaduna bilawday in ay hawlaha jira wax ka qabato Bridge kuna aamin yahay oo wax soo gaadhay lugihiisu aanay jirin oo isku socodkuna sidiisi yahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso