Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka sheegay sida ay ugu hanwayn yihiin inay la midoobaan KULMIYE oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ay dhiig cusub iyo xoog taageero wayn ku soo kordhinaya xisbiga,

Xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE iyo Garabkii xisbiga UCID ee uu hoggaaminayey aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo gunnaanaday wadahadalo farsamo oo lagu dhammaysatirayo midowgooda.

Laba guddi oo ka kala socda xisbiga KULMIYE iyo garabka murrashaxii Madaxweynaha UCID Md. Jamaal Cali Xuseen oo wadahadal u socday muddooyinkii u dambeeyeyba lagaga wada xaajoonayey qaabka ay u midoobayaan, gaar ahaan hannaanka garabka uu hoggaaminayo Jamaal Cali Xuseen oo isagu hore shaaca uga qaaday inuu ku biiray KULMIYE ay uga mid noqonayaan xisbiga iyo doorka ay ku yeelanayaan hay’adaha kala duwan ee uu ku dhisanyahay xisbiga KULMIYE, ayaa hadda soo gaadhay la soo afjaray.

Hoggaamiyaha Garabka UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka sheegay kulanka sida ay ugu hanwayn yihiin inay la midoobaan KULMIYE oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid ay dhiig cusub iyo xoog taageero wayn ku soo kordhinaya xisbiga, isla markaana ay ka go’antahay inay kaalin baaxad leh ka qaataan ololaha iyo dadaalka xisbigu ugu diyaargaroobayo doorashada sidii uu mar labaad u qaban lahaa talada dalka Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso