Aqoonyahan Cabdillaahi ibraahim x. Xasan oo Talooyin wax KU ool ah u diray Madaxweyne Biixi & Wasiir Kaahin

“Talo Lexjeclo leh oo ku socota Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahin”- W/Q: Cabdillaahi Ibraahim X. Xasan

Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahinow, way fiicnayd in aan taladan si gaar ah idiinku soo gudbiyo, laakiin way ii suurtagali weyday, sababo inaad hawlo qaran oo culus ku fooggan tihiin darteed ah.

Kama mid ihi kuwa guushiinnu guuldarrada u tahay, kamana mid ihi kuwa muxaqiriinta ah ee wanaaggiinna xumaan u turjuma, kumana jiro inta xil ama xoolo u dudaysa ee arrinkoodu waan ku doortay ku soo ururay. Laakiin waxa aan ahay kuwa badan ee ummadda ka midka ah ee Soomaalilaand oo guulaysata oo guryasamo degta aan waxba u labayn ama uga hoosayn. Sidaas darteed, aniga oo Eebbe idiinka baryayaa in uu garabkiinna ahaado.

Waxa aan idinku boorrinayaa in fursadda aad hesheen ee aanay helin in badan oo aad halganwadaag ahaydeen oo nool ama Ilaahayba oofsaday oo gobannimada darteed u geeriyootay aad milgeheeda marisaan, dulqaadkii iyo adkaysigii aad ayaamo badan ku soo gudubteenna ku fara adaygtaan.

Wax kasta oo u eg ama shabbaha wixii aad ka dagaallanteen ka feejignaada, qaranka Soomaalilaand isku wada guud ahaan, ammuuraha taaganna guurtinnimo iyo odayayn ku soo afmeera, xadhigga faraha badan yareeya, dadka u xidhan wax ay qoreen iyo culimada xidhxidhan cafis u fidiya waa bil Ramadaan e. Cid kasta xuquuqdeeda ilaaliya madax ayaad u tihiin e.

Anigoo Eebbe idiinka rejaynayaa in uu talada san idin garansiiyo, taariikhduna aanay idinka xumaan.

Ugu danbayn, halgamayaal; kuwa xukuumadda ka midka ahi qaladaadka ay sida sida badheedhka ah u galaan dib u saxa, raalligalinna ka bixiya oo cida ay saamaynta gaar ahaaneed ama deegaaneed ku leedahay la xaala, si aan loogu qaadan in dawlad ahaan arrinkaa aydun ku wada socotaan.

Ramadaan Kariim mudanayaal.

Advertisement

Ku Xayeysiiso