gabay cusub oo la magac baxay Kuma Goba Kumaa Guna

Gabayga Magaciisu waa KUMAA GOBA-KUMAA GUNA, wuxuu si
qotodheer u taabanayaa sifooyinka gobanimo iyo gunimo ay kala
leeyihiin iyo in cadaalad daradu ay ka mid tahay sifoyinka gunimada,
gobanimadana lagu kasbado sharaf aduun iyo mid aakhiroba.
Sidoo kale wuxuu xusayaa dhawr Abwaan magacyadoodii (AHN)
iyo xasuus reebyadoodii. Waxa kala oo uu gabaygu ka digayaa
kana talo bixinayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta cadaalad
darada, u sinaan la’aanshaha iyo ku tagri falka hantida umada.

Hal-abuur: Omar Ali Abdi
Magaca gabayga: KUMAA GOBA-KUMAA GUNA
Epost:Omar.A.Abdi@gmail.com
Taariikh: 05.05.2019

Aduunyadan samii gaabiyee xumuhu goobyaali
Caqli gudhan wakhtiga kaa galaa waa gu kaa lumaye
Waa geed qalalay aad caleen goobi dhaladiiye
Tusaaluhu kuwuu gaar uyahay ways maan garane
Gunimiyo waxay gobi tahaan kuu yar guud mariye
Bal gudoon war gowdhliyo afxumo waa la gubanaaye

Gobanimadu waa shay islaam loo garwaaqsadaye
Waa waajibaad gaara iyo gudasho towxiide
Galad weeye Eebuhu baxshoo gaar u leeyahay
Ma goblamo midkii uu ilaah ugu gargaaraaye
Guuluhu midkuu saamaxaa gaadha sharaftaase

Marna nabada waa mid u guntaday gogoshu seexdaaye
Godob li’ida weeyiyo waxaan shilimo goyneyne
Gasiinkaa macaan kuu noqdiyo gama leylkiiye

Gaadh iyo marwaa kuu difaac guudka kaa jira’e
Gaashaan waxay kaaga tahay gocor tilmaantiise

Magan loo gargaariyo marwaa kii magayno ahe
Oo waa guul la soo hoysan karo goor cidhiidhi ahe
Go’aan waa qadhaadh oo adayg kaaga soo go’a’e
Gurmad weeye loo galo dan qaran amase tii guude
Gudoon saxa aqoon weeye iyo garasho dheeraade

Gacal waxay yihiin geesigoo gogol wadaagaane
Waa geed ku baxa baa la yidhi dhiiga geesiga’e
Gaari iyo halyey baw dugsi ah gawre dhaxameede
Gabaadkii dabayl kaaceshiyo galangal weeyaane
Shaal garabka kuu saaraniyo guudka waa sharafe
Gurgurshaa hayina geedigiyo waa gardaadshaha’e
Gurac laga ilaashiyo midnimo waa gadaafaha’e
Runtoo gacan la siiyiyo xaqoo garab la saaraaye

Waa geed goboo la hadhsadaa goor kuleyle ahe
Midhaheeda waxa goosan kara amaba gaadhaaya
Qofkuu Eebe garansiinayee waajibkeed guda’e
Ma xaslado xigaalkii gujiyo xaasid gaamuray

Aftartaa tilmaan gobanimaan kaaga soo guraye
Gunimona waxay tahay hadaan gacan togaaleeyo
Gefka waa islaam laga galiyo guule amarkiise
Golqaniinka waa dulin arlada geliya weesaaqe
Gabood falista iyo waa cadliga oo la gaasiro
Garsoorkoo xaqii ka ambadiyo xaakin eex galaye

Adigoo gasiin iyo u heli gogol inaad siiso
Waa gaajobeel li’i martida goor xun kuu timiye
Safar gudaya goobaar cidla’a waaka gees mara’e
Gabayoox dhalaan iyo haween daadin waa geli’e
Gayaxayn runtoo lagu xidhiyo waa gardiidnimo’e
Denbi iyo nimaan eeba gelin gaalshirow dirada

Gaagixinta waa qaran guntaday goynta waaxyaha’e
Masuul gabey xilkii loo egmoo gole ka rooraaya
Ka go’doonsha weeyaan dadkuu gaadhka ka ahaaye
Kala geynta weeyaan xigaal goobo wada yaale

Gashi iyo midkii aano gala godobta weeyaane
Guux baa arlada kaaga baxa galow dhawaaqiise
Waa qaan guntiga kuugu xidhan oon go’ayn abide
Kumaa goba kuma guna kumaa heedhe garanwaaya?

Afartaasna gaaguuf murtida gig iyo liishaan dhe
Goolaaftankii ay gunimo gob is haleeleen dhe
Gun nin yidhi gantaalkii ku dhacay galabsigiise dhe
Gunimada gamuun lagu dhuftiyo runiyo guusheed dhe
Gardarada ragaa ugu xidh-xidhan jeelka gudihiisa
Garyaqaan u doodiyo dulmane gob iyo caadeed dhe
Gabay uu abwaan xori tirshiyo gar iyo miisaan dhe
Iska soo mar geestaad rabtiyo gabayadii Qaasim
Galabsiga tixdii Ina Miriyo gabay awaadhkii dhe
Gaheyr iyo sidii Ina Huriyo Galow la’aan Saalax
Gamuute iyo geeraaraduu gaalka kula dooday
Gudi baxay miduu Faarax Nuur talo ku gaadhsiiyey
Garnaqsigii Qamaan iyo tixduu Cali garwaaqsiiyey
Gaallays gunimo uu la dhacay godanihii Aadan (afqalooc)
Gurmadkii Salaan uu col baxay gaan ku kala baajay
Goohii Suldaan Timacadiyo gaaxdi ina Mumin
Guubaabadii Gadhliyo Gaariyiyo geesigii sugule
Dhoodaan tixdii gudbiyo saw ku garanmaayo
Ma Gil-gilo duqaydiyo tixdii Maxamed Guuleed dhe

Gidigood anaan magac dhebayn qalina gaadheynin
Godka lagu janeeyadan waxaan maansadow geliyey
Waa inaan wixii naga gedmaday gelino diinwaane
Gundhig iyo markhaatay u tahay goor la soo maraye.
Oo waa godol xusuusiyo murtida gurada noo taale.

Waxaanse gabay ku soo koobayaa yey ku gees marine
Gafanuhu gabaaray marwaa dhuubanoo godane
Gosha wuxuu ka buuxshaa khalqiga dhiig ka soo go’aye
Markase uu golaha buuxsadaa haraga giijaaye

Gudi baxay rag guurtiya markii golaha loo saaro
Oo aad gudoonshaha u tahay gar iyo xeer beegti
Lama gowdhiyee hadalka waa xubinta uun gooye

Gubni ciidan guuto iyo gaas ururo gaadiid ah
Ujeedada ragaas loo guree looga dhigay geeshka
Waa inay dab gaadhliyo noqdaan kii difaac gala’e
Mar haday gadaal ugu noqdaan gurada mooskooda
Oo uu jananku giiryaale yahay fulin go’aan leexsan
Gobanimiyo way naaqista sharaf la gaadhaa dhe
Kumaa guna kumaa goba kumaa heedhe garanwaaya?

…….Wa bilaahi towfiiq…..

Advertisement

Ku Xayeysiiso