Urdun : 15 Imaam Masjid oo Shaqada laga Caydhiyey ka dib Diidmo in ay ku Tukadaan Salaad jinaa`iso Qaa`ib Askar la Laayay

Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta wadanka Urdun ayaa eryey 15 Khadiib ama Imaam Masaajid ka dib markii ay diideen in ay ku Tukadaan Salaad Jinaa`iso Qaa`ib Askar reer Urdun ah oo lagu dilay iska horimaad ciidan oo dhex maray Kooxo Islaamiyiin ah sidaana waxa soo werisay Wakaalada Wararka AP.

Waxay ahayd uun matkii 11 Toban Askar lagu dilay dhawaan iska horimaadkaas oo ka dhacay Gobolka Kark sidoo kalena lagu dilay Dalxiise Kanadiyaan ah iyo laba Ruux oo Rayid ah dhinaca Kooxihii Hubaysanaana laga dilay 5 Dagaal yahan weerarkan ayaa waxa sheegay Kooxda Xagjirka ah ee Daacish.

Hore ayay Wasaarada Awqaafta Urdun u Bayaamisay in dhamaan Dalka Urdun laga Tukado Salaad Jinaa`sa Qaa`ib Dalka oo dhan ka dib Dhimashada Ciidankaas.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso