Aljeria: Dagaal uu Sababay Dameer oo Dhex Maray  Laba Reer

Dameer ayaa sababy Dagaal dhex mara laba qoys Meesha la yidhaa Rasu Cuyuun ee Gobolka Batina ee dhaca bariga Wadanka Aljeria .

Dagaalkan dhex maray labada qoys ayaa gaadhay  in la isku adeegsado Qori Dhaca , dagaalka ayaa waxa ku dhawacmay Shan Ruux oo midi yahay Dhaawac Xabad  oo ka dhacday Qoriga Ugaadhsiga .

Sida uu baahiyay Wargeyska Shuruuq ee Aljeria ka soo baxa  dameerka ayaa galay mid ka mid ah Beer uu lahaa qoyska kale taas oo uu ka dhashay dagaalku ka dibna mid ka mid ah qoyska Beerta lahaa uu qori la soo baxay kuna furay Qoyski kale .

Dagaalkina sidaa kuma istaagin ilaa la isugu habarwacday gacan ka hadalkii waxaana wada galay dhamaan Labadii Qoys  waxaana la isu adeegsaday wixii hub ay haysteen sida midiyo faasas  iyo Majooyin khasaaraha ka dhashayna noqday Afar ruux oo ku dhaawacma oo midi haweenay tahay .

Todobaado ka hor ayuun bay ahayd markii  laba qabiil oo degan Koonfurta Libya uu dagaal dhex maray ,dagaalkaas oo uu sababay Daanyeer Khasaarihiisuna  gaadhay Dhimashada 14 Ruux iyo Dhaawac ka badan 60 Ruux

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso