Maayirka Caasimada Somaliland Iyo Guddida iskaashatooyinka Gaadiidka Iskaragooyinka Ayaa Deeqo kala Gedisan Gudoonsiiyey Ciimada Qaranka..

(Toggaherer)-Maayirka Caasimada Somaliland Iyo Guddida iskaashatooyinka Ayaa Deeqo kala Gedisan Gudoonsiiyey Ciimada Qaranka..

Maayirka caasimada Somaliland C/raxmaan maxamuud caydiid ayaa ka warbiiyey deeqdaasi oo ay ka mid ahaayeen dhar iyo raashinba,maaiyirka oo Arrintaasi ka hadlaaya ayaa sheegay:

(Halkani waxaanu ka wareejinaynaa labo boqol oo kiish oo ay keeneen iskaashatooyinka islaragooyinka caasimada somaliland Ka howlgala,iyadoo gaadhiga kalena ay ku jiraan sabaayadii ,caanihiii sharaabkii,deeqahaasi oo ay soo bixiyeen degmada Axmed Dhagax ,isla markaasina Guddida Arrimaha Bulshada ay wax ku kordhiyeen ,degmooyinka kale ee caasimada somalilandna waxay soo wadaan taakulayn lagu garab galaayo ciidankeena somaliland ee difaacaya qaran-nimada Somaliland).

Sarkaal sare oo maayirka caasimada somaliland ka gudoomay deeqdaasiayaa ka mahadnaqay taakuleyntaasi la gaadhsiinaayo ciidamadeena jiida hore fadhiya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso