Dugsiyada Caalami Oo Xaflad U Qabtay Dufcadii Sideedaad Ee Ka Qalin Jabisa Dugsiyadaasi

Xaflad aad loo bilay, isla markaana ay soo cammireen ardayda maanta ka qalin-jabinaysay Dugsigaasi ayaa ka dhacday Ambasador Hotel Ee Magaalada Hargaysa .

Waxaana ka soo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Hogaanka sare Ee Xisbiga WADDANI, Masuuliyiin ka socday Xisbiga UCID, Xubno ka mid ah Xukuumadda Somliland, Culimo, Aqoonyahan, Wax-garad Iyo Marti-sharaf kale .

Waxaa halkaasi ugu horeen ka hadlay Maamulaha Guud Ee Dugsiyada Caalami C/raxman Seed, waxaanu  sheegay in xafladdan loo qabtay Dufcadii Sideedaad oo tiradoodu dhantahay 823 Arday, kuwaas oo dhameestay culuun kala duwan .

Agaasimaha Waaxda Waxbarasahda Gaarka loo leeyahay Ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay Ardayda, isla markaana halkaasi uga jeediyay dardaaran .

Wasiir Ku Xigeenka Qorshaynta Qaranka Kaysar C/laahi Maxamed ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanu si wayn u bogaadiyay ardayda Dhameestay Dugsiyada Caalami, isagoo ku dardaaray in ay halkaasi waxbarashadooda ka sii wataan .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Ku Xigeenka Xog-hayaha Guud Ee UCID Naasir Qodax oo ku dheeraaday qiimaha waxbarashu leedahay, isagoo ardaydan ugu baaqay in ay sidii ay uga qeyb qaateen Waddada Ceerigaabo ay uga qeyb qaataan Gurmadka Abaaraha .

Xog-hayaha Xidhiidhka Wadamda Carabta Ee Xisbiga WADDANI Amb Axmed Safiina oo halkaasi ka hadlay ayaa bogadiyay ardayda qalin jabisay .

Hogaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dugsiga Caalami uu ugu deeqay Dhul Cabbirkiisu yahay Baloog .

Gudoomiyaha, Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee WADDANI C/raxman Cirro ayaa halkaasi ka hadlay, waxaanau ugu horeenba bogaadiyay ardayda, isagoo ka dalbaday in ay u codeeyaan marka la gaadho doorashada madaxtinimo .

Sheekh Aadan Siiro Oo baal-dahaba kaga suntan Dugsiga Caalami, isla markaana sannad walba kafaala qaataa waxbarashada arday tiradoodu kor u dhaafayso Toboneeyo, ayaa halkaasi ka ka jeediyay khudbad, waxaanu halkaasi lacago ku gudoonsiiyay lix arday oo ka mid ardaydii qalin-jabisay .

Sidoo kale Ardayda Dugsiyadaasi ayaa Sheekh Aadan Siiro gudoonsiiyay Shahaado-Sharaf .

Ugu danbeen waxaa halkaasi abaal-marino lagu gudoonsiiyay ardaydii Dhameestay Waxbarashada .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso