Abaartan Kulmiya Oo Dad Iyo Duunyaba Saamaysay (Gabay)

Tixdan waxa  layidhaa (HAATAN)  waxay soo baxday 22-01-2017,islamarkaana,waxay ka hadlaysaa Abaaraha saameeyay  dad iyo duunyo ee ka jira gayiga soomaaliyeed,dhinaca kale tixdani waxay idin xasuusinaysaa abaaro badan oo soo maray dhulka soomaalida sida Habaaswayn,Hayaan dheer,Jiitama,Ma-haba,Haariya,Adhigaba,Hawaara,Xaaraamo cune,Siiga case,Dhibiijaale,Gaadhi Gaadhi saar,Jiilaal dheere iyo Abaartan maanta oo loo bixiyay Kulmiye.

  1. Habtan timi,lodan is-hiigtay,iyo adhigan haaqdaayay
  2. way kala  dhaqaaqeen naflii,heerka nololeede
  3. Higsi malaha  xoolii  halqigu ku hamiyaayeene
  4. Duxna Laguma haysto,hilbiyo caana hoorsiyahe
  5. Laga  Haari Geeli nin ragi Hootadowsidaye
  6. Habaaswayn,Hayaandheer,iyo Ma-haba way u eegtahaye
  7. Alaylehe hawaaraa dhacday,iyo heetiyoo kala’e
  8. Xaaraamo cune waa hadeer, iyo haariyoo timiye
  9. Adhigabi haday taagantahay,heerki jiitamiye
  10. dhibiijaale,siiga case,iyo daba dheer hadaa shaashid loo yahaye
  11. waa hebel ka sheekee,iyo wakhtigi gaadhi gaadhiga’e
  12. habtii iyo  haduun baa lagalay,kala hayaankiiye
  13. tanna haatan kulmiyaa layidhi laguna  haasawye
  14. gedii hadhkii lagama helo,hadhaca waynaaye
  15. dudumooyinkii waa la riday,loo hintiqilaaye
  16. dhulki cawski waa laga hinjay,oo haawiyaatimiye
  17. hawadii dufbaa waqal ku  xidhay aan horow jirine
  18. hadda  duunyo waa laga samree, halis dadkii baa ah
  19. Aduunyadi hayiin iyo dayiin way maqleen,halistan waawayne
  20. Hayeeshee wuxuu ruuxtaraa,wayska halahayse
  21. midda lagu hodmaa,waa Alloo heego soo dira’e
  22. Allahayow addaa taajiree,roobka nagu hoori

  23. Afartaa habeeyaye,midkale aandin hidinsiiyo

  24. waxan la hadlayaa,waa hal-qigan gaadhay halistiiye
  25. mid waliba siduu doonayo,ayuu u hindi waasaaye
  26. laga haari khayrkiyo runtii,oo beenti loohoyaye
  27. ragan kibirka heegada koree,wadda hamuumaaya
  28. Ee yidhi annaa hebela,anigaa hantile,iyo halo annaa haysta
  29. Ee yidhi annaa uunka kala haadiyoo hayb u kalla saara
  30. waa waxa abaaraa dadkii haabahow sudhaye
  31. is-hubsada,intaan eebahay idin halaakaynin
  32. Allaa Mahadle
  33. Abdilahi Xasan Mataan

Advertisement

Ku Xayeysiiso