Xirsi Oo uu Maagay Ayaa Magiciisa La Maqlay Lix Sanadood Oo Uu Xildhibaan Ahaa !!

Xirsi Oo uu Maagay Ayaa Magiciisa La Maqlay Lix Sanadood Oo Uu Xildhibaan Ahaa !!

Maalamahan waxa bulshada si wayan u dhex qaaday hadalo aan ku wanaagsanayn anshaxa dadka iskana daa mid Xil u haya’e, hadaladaasi waxa ay soo shaacbexen markii uu socdaal gaara magaladda Gabilay uu ku tegay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo halkaasi u joogay hawlo isaga u gaar aha, balse waxa hadalo aflagaado iyo qaylo ah oo aan wax macno ah xanbaarsanayn ku boobay mid kamida Xildhibaanada Saaqidiinta ah ee Golaha Deegaanka uga soo baxay Magaladda Gabilay.

Xildhibaanka oo magiciisa aan ka xasuusta uu yahay magaca ugu horeeya oo ah “Iid” waxa ay ahaayeen hadaladiisa uu istic maalaayay kuwo aad uga fog hadalada siyaasiga,Masuulka, iyo Xataa dadka caadiga ah waxanay ahaayeen hadalo qof kasta oo maqlay uu ku tilmaamay hadal jiri ama ciyaala suuq ka madhan dhaqanka wanaagsan iyo akhlaaqiyaadka hadalka, balse waxa is waydiinta leh ayaa ah Dadka Xildhibaankaas soo saaray maxay  ku doorteen? Reer Gabilay s’e siday u arkaan hadalkaas maxayse kaga dareen Celiyeen?

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xildhibaan Iid, ayaa hadalada dhex maray waxa ay ahaayen kuwa coda oo si qarsoodi ah uu u duubay Xildhibaanku isaga oo Mobaile, gashaday jeebkiisa sare ee Shaadhka waxana markaas iska muuqata ama iska cadba in qofkaasi uu ahaa mid gardara doona oo ku soo tala galay adyadda waxa se halkaas ka muuqata in uu xanbaartay sumacad Xumo uu u soo jiiday Gobolkiisa  iyo in ay halkaasi ka muuqato in ay arintasi ka danbeeyaan shakhsiyaad kale oo isku qanciyay in Xirsi ay kala dagaalamaan Gobolka Gabilay oo uu taagero buuxda ka haysto Shacabka ku nool.

Xildhibaanku Xisbiga ma u matala Gobolka ?

Marka aynu dhan kasta ka eegno Xildhibaan Iid, Xisbiga uu ka soo baxay ee Wadani, uma matali karo Gobolka waxana jira Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo shaqaale Xisbiga ah. Iid masuuliyadiisu waxa ay tahay oo kaliya Xildhibaan Gole Degaan shaqadiisuna maaha arimaha xisbiga dhexdiisa sida kuwa kale ee Xisbiyada la midka ah, qalad iyo sax marnaba nidaamka iyo shuruucda Xisbiyadeena u yaala ma dhigayaan in Xildhibaan wax laga waydiiyo ama uu qaado masuuliyada Xisbiga hadii aanu ahayn Guddoomiye ama Guddoomiye ku xigeen.

Salaadiinta Dhaqanka, Madaxda Gobolka, Siyaasiyiinta, iyo Masuuliyiinta Gobolkaas ee ku jira Dawladda ayaan wali wax raali galin iyo Xaalsiin  ka bixin hadalada Deelqaafta ah ee uu Xildhibaanku u gaystay Hogaamiye Xirsi Cali, in kasta oo Bulsha farabadan oo Gobolkasi ka dhiidhiyeen hadalada Xildhibaanka Saaqiday ku ka cay, Hadana hadii arintaasi sidaas lagu dhaafo waxa ay macno ahaan noqonaysa in Reer Gabilay arinkaas isku raacsanyihiin madaama oo uu Xildhibaanku ku soo baxay Cod shacbi isala markaana uu matali karo Gobolkiisa.

Dr Hussien Al-Fariidi

Hargeysa/Somaliland 

alfariidi05@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso