Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland O Kulan Muhiima La Yeeshay Urur Siyaasaddeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland O Kulan Muhiima La Yeeshay Urur Siyaasaddeed.

Hargeysa-07-01-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda tobankii urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland, iyadoo ay kulanka ka maqnaayeen labada xisbi mucaarid oo kulanka lagu marti-qaaday balse aan ka soo qaybgelin.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbixin guud ka siiyey hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda xaaladda guud ee Dalka, waxaanu madaxweynuhu uu xog la xidhiidha heshiiskii isfahanka ahaa ee taariikhiga ahaa ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Ethiopia, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu warbixin taa la mida ka siiyey gudoomiyeyaasha iyo madaxdii kale ee ururrada siyaasadda ee fadhiyey shirka wada-hadaladii dib uga bilowday dalka Jabuuti ee u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinif),
Dhinaca Ururadana waxa kulanka ka soo qaybgalay, gudoomiyeyaasha Barwaaqo, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Shacabka, Dr Maxamed Maxamuud Kaahin, Talo-wadaag, Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, Rejo, Cabdilaahi Axmed (Dahab), Ogaal Marwo Rooda Cabdi Muuse, Horseed Mudane Cabdilaahi Imaan Derawal, Guddoomiye ku-xigeenka Mideeye, Mudane Cabdiqani Guuleed Maxamed, guddoomiye ku xigeenka ururka Kaah, Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane, Xoghayaha guud ee Hillaac, Dr. Foosi Maxamuud Qoofal, xoghaye guud Ogaal, Mudane Cabdikhaaliq Cabdilaahi Maxamed iyo xoghayaha guud ee ururrada siyaasadda Xamse Xasan Axmed.

ALLAA MAHAD LEH

Advertisement

Ku Xayeysiiso