Somaliland ayaa laga xusay xuska maalinta xuquuqda Aadamaha Adduunka

Somaliland ayaa laga xusay xuska maalinta xuquuqda Aadamaha Adduunka

Munaasibad lagu weynaynayey Xuska Maalinta Xuquuqda Aadamaha adduunka oo ku asteysan sannadkasta 10 December, ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ay soo qaban-qaabiyeen Komiishanka xuquuqal Iinsaanka Qaranka Somaliland,ayaa waxa sannadkan halku dhigu ahaa“Xoojinta iyo joogtaynta barashada xuquuqda aadamaha ee mustaqbalka”, isla markaana waxa ka soo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano,Ururada bulshada rayidka, Fanaaniin, Ururka NOW, Haween, Dhalinyaro iyo marti-Sharaf kale oo tirro baddan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso