Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub.

Wareegto Madaxweyne-17-10-2023.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga kuna magacaabay wasiir cusub.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

Ku: Axmed Aadan Jaamac;

Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore u haysay ee Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Keesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabay wasiir Cusub.

 

Waxaanay u dhignayd sidan:-

 

Ujeeddo: Magacaabid.

 

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

 

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso