Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay lacagta laga qaado Shidaalka ka soo dega Dekedda Berbera, foosto kasta waxa la dulsaaray saddex dollar.

Xukuumadda Somaliland ayaa kordhisay lacagta laga qaado Shidaalka ka soo dega Dekedda Berbera, foosto kasta waxa la dulsaaray saddex dollar.

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa cambaareeyay Sicir barar ka jira deegaamada Somaliland oo ay sheegeen in xukuumaddu sabab u tahay.

Xoghayaha Warfaafinta UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa qoray qoraalkan.

 

Akhri

 

𝗛𝗮𝗱𝘂𝘂 𝗦𝗶𝗶 𝗚𝗼,𝗮𝘆

 

Iyada awalba aynu ogayn xaalada baaxaadaga iyo Daalaa-dhaca Xukuumada Xisbiga Kulmiye ee Hogaamintii iyo taladii dalka la Ciir-ciirsa Xag Dhaqaale iyo Xag Dhaqaaale .

 

Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay iska Soo daba Dhacayay Fashilka Masuuliyadeed ee Xukuumadan, kaas oo Cidhiidhi Nololeed Galiyay Muwaadiniinta JSL gaar ahaan Danyarta .

 

Fashilaadaha ugu waawayn ee Xukuumadan waxaa ka mid .

 

> Sixir-bararka Xadhkaha Koostay ee Maciishada Iyo Shidaalka oo Mudooyinkii u danbeeyay kor u Socday

Iyada oo aynu xogogaal u nahay Qiimo dhac ku Yimid Shilinka Somaliland, taas oo Sababtay in 𝟭𝟬𝟬 𝗗𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿 ku sii Socda 𝗠𝗶𝗹𝘆𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗹𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝗵

 

Hadaba Iyada Duruufahaas oo Dhami jiraan ayaa Nasiib daro Xukuumadii Mar Kale wareegto Soo Saartay ay ku amrayso 𝗞𝗼𝗿𝗱𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮

 

Ugu danbayn waxaa marag-madoon ah oo Cadaatay Bulshada Somalilandna ay tahay in ku Baraarug sanaadaan In uu dalka ka socdo Sixir-barar ay Xukuumadu masuul ka tahay oo Cidna aanay joojin Karin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso