Maxamed Deif: Ninka Isha la’ ee laf dhuun gashay ku noqday Israa’iil

Mohammed Deif, hoggaamiyaha qarsoodiga ah ee garabka milatari ee Xamaas ayaa saakay sheegtay mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday Israa’iil.

 

“Waanu u dignay cadowga,” ayuu ku yiri warsaxaafadeed dhif ah oo uu soo saaray. “Waxay weerareen dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah waxayna waxyeelleeyeen al-Aqsa.” Ayu uku yiri warsaxaafadeedkiisa, Deif ayaa shaaciyay in Xamaas ay fulisya howlgal milatari oo uu ugu yeeray Duufaanka Al-Aqsa.

 

Xamaas ayaa saakay weerar aan la fileyn oo kedis ah ku qaadday Israa’iil, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo burbur isugu jira.

 

Sidoo kale Israa’iil ayaa weerar kale ku jawaabtay kaasoo ay ka geysatay Marinkaã Gaza.

Waa kuma Deif?

Inta badan waxa laga ogyahay Deyf waa warbixinnada ay shaaciyeen warbaahinta Israa’iil iyo Falastiin. Waxay sheegeen in Deyf uu ku dhashay xerada Qaxootiga ee Khan Yunis ee ku taala Qaza 1965-kii.

 

Maxamed Diab Ibrashim al-Masri ayaa loo bixiyay markii uu dhashay balse markii dambe wuxuu la magac baxay Deyf oo macnaheedu yahay “marti”..

 

Wax badan lagama oga barbaarintiisii ​​iyadoo ay socdaan khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin oo raad aan la iloobi karin ku reebay Bariga Dhexe.

Advertisement

Ku Xayeysiiso