Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Lix Degmo Doorasho ee Goleyaasha Degaanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Xildhibaanada Lix Degmo Doorasho ee Goleyaasha Degaanka.

Wasiirka iyo Xildhibaanada ayaa ka wada hadlay wada shaqaynta Goleyaasha Degaanka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada oo laga wada shaqeeyo iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Advertisement

Ku Xayeysiiso