Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta qalab Caafimaad ka gudoomay qurbajoog reer Somaliland ah.

Sheekh- August-01-2023- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo ay weheliyaan badhasaabka gobolka Saaxil iyo Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka Saaxil, Mayarka degmada sheekh iyo agaasimaha Cusbitaalka sheekh ayaa maanta qalab caafimaad ka gudoomay qurbajoog reer Somaliland ah, qalabkaasi oo loogu talo galay Cusbitaalka degmada Sheekh oo wax wayn ka taridoona adeegyada caafimaad ee Cusbitaalku bulshada u qabto.

Masuuliintan oo hadalka iska bada qaatay ayaa dhamaantood u mahadceliyay dhamaan bulshadii kasoo shaqaysay soona gaadhsiisay qalabkan Cusbitaalka dagmada sheekh iyadoo hoosta ka wada xaqiiqay sida ay qayb weyn uga qaadato isku tashiga iyo wada shaqayntu uga qayb qaadato Horumarinta adeegydda Bulshada gaar ahaan kan Caafimaadka.

Agaasimaha guud iyo masuulinta ayaa intaa kadib kormeer kusoo maray qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka guud ee dagmada sheekh si ay ugu kuur galaan habsami u socodka hawlaha shaqo ee Cusbitaalka sidoo kalana u ogaadaan baahiyaha ka jira Cusbitaalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Mohamed
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso