Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda JSL Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland ee Wadanka Ingiriiska Mudane Cabdi Cabdilaahi Xirsi (Dayax-Weerar) ayaa si wada-jir ah maanta Garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa, ku soo dhaweeyey Mudane Xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka ee wadankaIngiriiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL Mudane Dr Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland ee Wadanka Ingiriiska Mudane Cabdi Cabdilaahi Xirsi (Dayax-Weerar) ayaa si wada-jir ah maanta Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Cigaal (Egal International Airport) ee magaaladda Hargeysa, ku soo dhaweeyey Mudane Xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka ee wadankaIngiriiska .

Mudane Xildhibaan Gavin Williamson ayaa xukuumadihii kala dambeeyey ee wadanka UK kasoo qabtay xilalka kala ah, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda, Gaashaandhigga iyo Wasiirka Khaaska ah.

Mudane Xildhibaan Gavin Williamson ma aha markii ugu horeysay ee uu soo booqdo Jamhuuriyadda Somaliland ee waxa uu yimi marar kala duwan, xilli waxa uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, sidoo kale waxa uu safar ku yimi JSL isaga oo ah Mudane Baarlamaan (Member of Parliament -MP), maanta ayaa noqonaysa markii saddexaad ee uu dalka yimaado, taas oo ka markhaati kacaysa xidhiidhka qotadda dheer iyo saaxiibtinimada ka dhaxaysa xildhibaanka iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso