Caasimadda Hargeysa ayaa yeelan doonta ishaarootinka kala haga Gaadiidka iyo dadweynaha ee waddooyinka lagu xidho. Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa hirgelinaysa qorshahan

Caasimadda Hargeysa ayaa yeelan doonta ishaarootinka kala haga Gaadiidka iyo dadweynaha ee waddooyinka lagu xidho.
Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa hirgelinaysa qorshahan.

Xilli hore oo uu maayir Hargeysa ka ahaa Alle ha u naxariistee Cawl Cilmi, ayaa Hargeysa laga hirgeliyay qorshahan oo kale balse ma sii waarin.
Xoghayaha dawladda Hoose ee Hargeysa Siciid Nuur, ayaa sheegay in ay ku guullaysteen tijaabadii koobaad ee qorshan.

“Maalinba tallaabo ayeynu hore u qaadi doonnaa!
Waxaa noo suurtogalay tijaabadii koowaad ee Ishaarooyinkii waddooyinka ee kala hagi lahaa Bulshada iyo Baabuurta ku dhaqan Caasimadda Hargaysa oo dhawaan si hordhac iyo tijaabo ah u shaqayn doona.
Ballankeennu waa Hargaysa cagaaran, nadiif ah, ishaaraysan, waddooyinkeedu tayo leeyihiin, Adeeggii bulshadu u dhammays tiran yihiin, oo dhiggeed la tartanta.

Daali mayno dedaalna yaraysan mayno!”

Advertisement

Ku Xayeysiiso