Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhallinyaro hubaysay oo uu sheegay inay buuraha galeen, waxaanu soo jeediyay in Qoys iyo Qaranba hawshooda la soo afmeero

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dhallinyaro hubaysay oo uu sheegay inay buuraha galeen, waxaanu soo jeediyay in Qoys iyo Qaranba hawshooda la soo afmeero.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu carabka ky adkeeyay in si deg deg ah loo galo hawsha dhallinyaradaasi.

Geesta kale waxa uu xusay in ay wax weyn ka badashay muuqaalkii Somaliland doorashadii Faratoon.

Geesta kale waxa uu soojeediyay in jadewlkii ay doorashooyinku soo saareen lagu galo.

Waxaanu sidan ka sheegay furitaankii Kalfadhiga 82-aad ee golaha guurtida oo saaka siramiya u furmay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso