Hargaysa-July-03-2023-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Daah-furay Barnaamijka Tayaynta adeegyada Caafimaad ee heer qaran

Hargaysa-July-03-2023-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Daah-furay Barnaamijka Tayaynta adeegyada Caafimaad ee heer qaran.


Tababarkan oo socon doona mudo Afar Maalmood ah ayaa waxaa Ka soo qayb-galay Isuduwaayaasha gobolada dalka, Agaasimayaasha Cusbitaalada Gobolada, Xidhiidhayaasha Caafimaadka Cusbitaalada, Madaxa Shaqaalaha Cusbitaalada iyo Masuuliyiin kale, Tababarkani ayaa ujeedadiisu tahay Tayaynta Adeegyada Caafimaad kuwaas oo laga bilaabi doono lixda gobol Cusbitaaladooda kuwaas oo la kobcin doono Tayada Adeegyada La Bixiyo, lana sugi Doono Bed Qabka Bukaanka.

Barnaamijkan oo ay Ku deeqday Hay’adda Qatar Charity, ayaa waxaana Si wada jir ah uga shaqayn doona ka doona King’s Global Partnership, Hay’adda Caafimaadka aduunka WHO iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Ugu horayn waxaa halkaa ka hadlay Madaxa Xafiiska hargaysa ee Kings global health care Hamda iyadda oo ka warantahay ahmiyadda tababarkan iyo Ujeedooyinka laga leeyahay, Xidhiidhayaha haayadda Qatar Charity daahir Mahamed Xaaji ayaa dhankiisa ka waramay ka haayad ahaan iyo siday ay marwalba diyaarka ula yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan Tababarada noocan oo kale ah

Agaasimaha waaxda Qorshaynta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Siciid oo hadalo ka jeediyay Furitaanka tababarkani ayaa ku dheeraaday Tababarkan iyo sida uu uga qaybqaadan doono Horumarinta adeegyadda ay bixiyaan Xarumaha Caafimaadka ee goboladda dalku

Ugu dambayn agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo tababar si rasmi ah u furay ayaa hoosta ka xariiqay ka Wasaaradda ahaan iyo sida ay Marwalba diyaarka ugu yihiin sidi loo Horumarin lahaa aqoonta shaqaalaha iyo Masuuliyiinta Caafimaadka ee gobolada dalka tababarkanina uu qayb-weyn ka qaadan doona dadaaladii ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirtay dardargalinta iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Caafimaadka Agaasimaha ayaa xusay in Maanta la gaadhay Wakhtigii laga Shaqayn lahaa Tayaynta Bukaanka iyo Bed qabkiisaba taas oo u baahan aqoon iyo Horumarinta Adeegyada Caafimaadka, Sidoo kale Agaasimaha ayaa u Mahadceliyay haayaddaha Wasaaradda kala shaqaynaya Tababar.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Mohamed
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso