Hargaysa-June-24-2023- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo Kaashanaysa Haayadda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maanta tababar u furtay Masuuliinta Shaybaadhada gobolada dalka

Hargaysa-June-24-2023- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo Kaashanaysa Haayadda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa maanta tababar u furtay Masuuliinta Shaybaadhada gobolada dalka.

Tababarkan oo ujeedadiisu ahayd Isku Xidhka iyo tayaynta Shaybaadhka guud ee qaranka iyo shaybaadha gobolada dalka iyo sidii si guud loo tayayn lahaa shaybaadhada guud ee dalka, Sidoo kalana Xanuunada dagdaga u faafa ay uga hawl geli lahaayeen una xaqiijin lahaayeen,

dhanka kalana ugu diyaar garoobi lahaayen Xanuunka kasta oo dalka ku sababi kara xaalad dagdag ah.
Furitaanka tababarkan ayaa waxaa Goobjoog ahaa Agaasimaha Waaxda Caafimaadka guud Mahdi Daahir Bahdoon, Madaxa Shaybaadhka Qaranka Axmed Xaashi, Masuuliin ka socotay Haayadda Caafimaadka aduunka WHO, iyagoo dhamaantood hadalka iska daba qaatay ayaa Xusay ahmiyadda Tababarkan iyo sida ay muhiimka u tahay in la helo Shaybaadhistayaal leh aqoon iyo tayo sare oo Xaqiijin kara xanuunada Sida degdega ah u Faafa, Sidoo kalana ka hortagi kara xanuun kasta oo dalka ku sababi kara Xaalad degdega ah, Masuuliintan ayaa kula dardaarmay inay Weeleeyaan sidoo kalana ka faa’idaystaan Mudada uu tababarkani Socdo, Dibna ugu Celiyaan aqoonta ay bartaan Xaruumihii ay ka kala imaadeen Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Mudooyinkii u dambeeyay ahmiyadd gaar ah siisay dardargalinta iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Caafimaadka ee dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka si kor loogu qaado adeegyadda Caafimaadka ee goobaha Caafimaadka. DHAMAAD. Wa-bilaahi Tawfiiq Abdishakur Mahamed Diiriye Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso