Wasiirkii Hore haweenka Carruurta iyo Dhallinyarada Itoobiya oo la Gudoonsiiyay Biladda Buuga Diiwaangalinta Afrika

Wasiirkii Hore haweenka Carruurta iyo Dhallinyarada Itoobiya oo la Gudoonsiiyay Biladda Buuga Diiwaangalinta Afrika

yuu
Raysalwasaarihii hore ee Dawladda federaalka Itoobiya hailemarian dessalegn ayaa gudoonsiiyey, Filsan Cabdilaahi Axmed oo Kamid ah Siyaasiyiinta Soomaalida itoobiya, horena usoo noqotey Wasiirka Heer Federaal ee Haweenka, caruurta, iyo Dhalinyarada Xukuumada hadda talada haysa biladda Buuga diiwaanka Afrika.

Munaasibada gudoonsiinta, oo ay Goobjoog ka ahaayeen martisharaf mudanta Dawladda Itoobiya iyo Dad badan, oo Soomaali ah Waxaa Kale oo Kasoo Qeyb Galey safiirka Dawladda Itoobiya midawga Yurub, siyaasiyiin,fanaaniin iyo Dad badan oo dalweynaha Itoobiya Caan ka ah.

Geesta kale Filsan Cabdilaahi Axmed, Wasiiradii hore haweenka,caruurta, iyo dhalinyarada, ayaa iyadduna dhinaceeda si aad ah uga mahad celisay sida loo maamuusey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso