Weftiga Wasiirada ah ee uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kuna sugan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta soo kormeeray sayladda wayn ee Xoolaha Magaalada Burco

Weftiga Wasiirada ah ee uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kuna sugan magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta soo kormeeray sayladda wayn ee Xoolaha Magaalada Burco.

Sayladda Xoolaha ee Magaalada Burco ayaa waxaa si xawlihi ah uga socda iibka Xoolaha,iyadoo Xoolaha lagu kala iibsanayo Saylada Magaalada Burco ay ka yimaadeen guud ahaan meelo badan oo ka baxsan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo Wasiiradu ay soo kormeereen sida uu u socdo ganacsiga kala iibsiga Xoolaha ee Magaalada Burco.

Xoolaha ugu badan ayaa ka dhoofaya Jamhuuriyadda Somaliland sanadkan, gaara waxay ka dhoofayaan Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Berbera. Weftiga Wasiirada ah ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Horuumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed.

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso