Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa sanadkan ku guulaysatay abaal marinta Templeton oo qiimaheedu dhan yahay 1.4 milyan oo dollar balse waxay nagu tidhi “marki hore waxaan moodayay inay ahayd khiyaamo

Dr Edna Aadan Ismaaciil ayaa sanadkan ku guulaysatay abaal marinta Templeton oo qiimaheedu dhan yahay 1.4 milyan oo dollar balse waxay nagu tidhi “marki hore waxaan moodayay inay ahayd khiyaamo”.

Kalkaalisadan iyo umulisada oo iyadu heshay cisbitaal u gaar ah ayaa ah haweenaydii ugu horaysay ee Afrikaan ah ee ku guulaysata abaalmarintan, waxaanay nolosheeda ku qaadatay inay Somaliland u dagaalanto daryeelka hooyada.

Markii la weydiiyay waxa ay ku sameyn doonto lacagta waxay tiri: “Tani waxay aadi doontaa samafalka aan jeclahay. Waxaan ahay 85. Baabuur weyn ama dheeman weyn ama doon weyn iima fiicnaan doono hadda.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso