Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Masuuliin ka socotay Haayadda MSF, oo Wasaaradda kala shaqaysa Arimaha Caafimaadka.

Kulankan ayaa layskaga xog waraystay wada shaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Haayadda MSF iyada oo laysla qaatay in lasii dardargeliyo habsami u socodka hawlaha Shaqo ee ay ka wada shaqeeyaan Haayadda iyo Wasaaraddu

Masuuliyiintii ka socday Haayadda MSF ayaa Shahaado Sharaf ay Haayadda MSF ugu talo gashay Agaasimaha guud gudoonsiiyay, iyagoo uga Mahadceliyay Sida wanaagsan ee uu Agaasimuhu u wado hawlaha Dardargalinta Caafimaadka Xilkana iskaga saaray.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso