Guddida doorashada Turkiga ayaa ku dhawaaqay natiijadii codadka ee shalay la dhiibtay ee Madaxtooyada

Guddida doorashada Turkiga ayaa ku dhawaaqay natiijadii codadka ee shalay la dhiibtay ee Madaxtooyada.

Saddexda musharrax ee ku loollamay codadkii la dhiibtay ayaa kala helay.

1: Rejeb Dayyib Erdogan 49.49%
2: Kamaal Kilicdaroglu 44.96%
3: Sinan Ogan 5.20%

Waxa muuqata in laysla tegi doono wareeg labaad kaas oo la qaban doono 28 ka bishan.

Erdogan oo hoggaaminaya codadka wareega hore ayaa ah ka haysta jaaniska ugu badan maaddama oo u baahan yahay wax ka yar 2% oo ku soo biira codadkii uu haystay.

Sidoo kale meesha uu raaco musharraxa saddexaad ee Sinan Ogan ayaa yeelan doonta miisaan aad culus maaddama oo uu helay codad guul gaadhsiin kara ciddii uu raaco.

Guud ahaan waxa beenoonay saadaashii ay warbaahinta reer Galbeedku muddooyinkan soo tebinaysay taas oo sheegay in Kamaal Kilicdaroglu uu hoggaamin doono codadka doorashada ama ku soo bixi doono wareega labaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso