Warsaxafadeed laga soo saaray Alle ha u naxariistee Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb)

Warsaxafadeed laga soo saaray Alle ha u naxariistee Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb).

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed isagoo ku hadlaya Magaca Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Magaca Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, wuxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Ehelkii, Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo guud ahaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Saddex Xadhigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb), kaasoo gacan ka xaqdarani ay ku dishay Rugta Ciidanka ee Lawyacado.

Wuxuu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Marxuumka Eebe uga baryayaa in uu Janatul-fardowsa ka waraabiyo, denbigiisana dhaafo, Ehelkii, Qoyskii, Asxaabtii, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan Eebe ka siiyo.

Markii dilku dhacay isla markiiba Ciidanku waxay gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilka geystay, waxaana gacanta ku haya Hay’adda amniga, waxaa si dhakho loo horgeynayaa gacan ku dhiiglaha sharciga, waxana isla markiiba la diyaariyey Maxkamaddii la saari lahaa gacan ku dhiiglaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso