Wasiirka hawlaha guud, Mudane Musatafe Maxamuud Cali Bile Ayaa shirgudoomiyey shir lagu gorfaynayay In la bilaabo qorshe Magaaleedka magaaladda hargeisa “Hargeisa Master Plan”

Wasiirka hawlaha guud, Mudane Musatafe Maxamuud Cali Bile Ayaa shirgudoomiyey shir lagu gorfaynayay In la bilaabo qorshe Magaaleedka magaaladda hargeisa “Hargeisa Master Plan”.


Kulankan saaka uu shirgudoomiyey wasiirka wasaarada hawlaha guud, Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile Waxa Goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Maxamuud Suldaan Aadan, Maayirka Caasimadda Hargeisa Mudane C/kariim Axmed Mooge, xoghayaha dawlada hoose ee Hargaysa Mudane Siciid Nuur Jaamac, Iyo Gudida Farsamo Ee Hagaysa qorshaha magaaleedka loo Sameynayo Hargeisa Master Plan.
Kulankan Waxa Warbixin Lagaga Dhagaystay Gudida Farsamo Ee Hagaysa qorahe magaaleedka loo Sameynayo Hargeisa Master Plan, warbixintaas Oo Uu Jeediyey Agaasimaha Naqshadynta Magaalooyinka ee wasaaradda hawlaha guud Eng C/raxmaan Maxamed Aar, Isagoo sharaxay qaabka Uu Ku Bilaabamayo Mashruucan, Inta Uu Soconayo, wajiyadda kala duwan ee uu Yeelanayo, Iyo sida Ay ugu talogashay gudidu in qorshahan uu Fulo.
Ugu danbeyn labadda dhinaca ee kala ah Wasaaradda hawlaha guud, dhulka Iyo guryeynta Iyo Dawladda hoose ee casimadda Hargeisa ayaa Isla qaatay In maalinta arbacadda ah, bishuna tahay
03/05/2023 shir dambe la isugu imaado isla markaan lagu Goaamiyo habka loo fulinayo qorshaha magaalada hargaysa ee cusub.

Advertisement

Ku Xayeysiiso