Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in ay Laascaanood kula dagaallamayso kooxo Argagaxiso

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ku celisay in ay Laascaanood kula dagaallamayso kooxo Argagaxiso oo qaarkood ka soo carareen dagaalka dawladda Soomaaliya ku qaaday si ay gabaad uga dhigtaan Laascaanood.

Maraykanka, Midowga Afrika iyo beesha Caalamka ayay ka codsatay in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Sool.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada ka dagaallamaya Laascaanood ay ku jiraan kuwa ka socda Putland, kuwa Maraykanku tabaray ee Danab iyadoo qoraalka lagu xusay in Laascaanood lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Danab kaas oo Maraykanku soo tababaray.

Arrinta Doorashada ayaa wasaaradda Arrimaha dibaddu sheegtay in ay ka go’an tahay xukuumadda Somaliland qabashada doorashada iyadoo tubta doorashadana ay u xilsaaran yihiin guddida Doorashada oo go’aamin doona.

Advertisement

Ku Xayeysiiso