Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada

Warsaxaafadeed

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Qaranka JSL wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood.

Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Cabdilaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso