Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xalay salaadihii kala duwana la oogay qaar ka mida bulshada caasimada.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xalay salaadihii kala duwana la oogay qaar ka mida bulshada caasimada.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku wuu la afuray dadkii uu kula tukaday mid ka mida masaajidada ku yaala gudaha magaalada Hargeysa, waxaanu intaas ku daray in markii Jamici salaada laga soo baxay ay is xogeareysteen Suldaan Samaale oo kamid ahaa Jamicii ay masaajidka kuwada tukadeen.

Waxaanu yidhi. “Waxaan maanta kulan afur-wadareed ahaa kula qaatay mid ka mid ah masaajidada Caasimada qaar ka mida qaybaha kala duwan bulshada.

Waxa aan salaaddii maqrib, cishe iyo taraawiix kadib is xog waraysanay odayaasha masaajidka ku xidhan.

Suldaan Samaale oo ka mid ahaa bulshada aanu ku kulanay masjidka, ayaa duco iyo dardaaran dhankiisa ila wadaagay, wadankana u duceeyay.

Aniguna xaggayga waan u duceeyay, Suldaan Samaale iyo waxgaradkeena kale ee noolba im ILLAAHEY cimriga iyo caafimaadka u siyaadiyo.

Guud ahaana Bulshada reer Somaliland waxa aan leeyahay Ramadaan Mubaarak.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso