Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL Qaybteeda Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS-ka Ayaa maanta Tababar usoo gabo,gabaysay qaar ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-gala Xarumaha Caafimaadka Hooyadda iyo dhalaanka Oo Tababar uga Socday Magalada hargaysa Afartii maalmood ee u dambeeyay.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu ahayd Gelinta, Qaabaynta Ururinta iyo diyaarinta xogta HIV/AIDS-ka,
Tababrkan oo ay wada bixinayeen Qaybta kaydinta Xogta Caafimaadka ee Wasaaradda iyo Haayadda UNICEF Oo lagu tababarayay qaar ka mid ah Shaqaalaha Caafimaadka ee Cusbitaalada iyo Xarumaha Hooyadda iyo dhalaanka.

Gabo,gabadii Madaxa Mashruuca Xakamaynta xanuunka HIV/AIDS-ka Dr sayd Ismaaciil xassan ayaa shahaadooyin gudoonsiiyay shaqaalihii dhagaystay Tababarkaasi, isagoo kula dardaarmay inay dib ugu celiyaan aqoonta ay bartaan goobihii Caafimaad ee ay ka imaadeen.

Wa-bilaahi Tawfiiq.
Xafiisiika Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso