Jaamacadda Qur’aanka iyo culuumta Islaamiga ah ee dalka Sudan iyo Jaamacada Beder ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi iyo wada shaqeyn dhinaca waxbarashada ah .

Jaamacadda Qur’aanka iyo culuumta Islaamiga ah ee dalka Sudan iyo Jaamacada Beder ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi iyo wada shaqeyn dhinaca waxbarashada ah .

Jaamacadda Qur’aanka ee Sudan ayaa ka mida ah jaamacadaha ugu waaweyn jaamacaddaha dalka Suudaan waana jaamacad bixisa culuumta diiniga iyo maadigaba , waxaana heshiiskan u saxeexay gudoomiyaha jaamacadda Qur’aanka Maxamed Cabdilaahi Sulayman , halka jaamacada Bederna uu saxeexay Gudoomiyaha jaamacadda Beder Prof. Mubaarig Ibraahim Aar .

Labadan jaamacadood ayaa ku heshiiyay inay ka wada shaqeeyaan dhinaca cilmi-baadhista iyo waxbarashada .

Sidoo kale jaamacada Qur’aanka ee Sudan ayaa deeqo waxbarasho oo ah waxbarashada sare ugu deeqday jaamacada Beder .

Advertisement

Ku Xayeysiiso