#Mahadnaq Waxaan dhamaan ururka reer waaberi madax diisa iyo tageerayaashiisaba uga mahadnaqaya Hablo Iyo wiilalba sida gobanimada iyo sharafta leh ee aay wakhtigooda iyo maal-kooda ugu hureen in aanu wax ka bedelo siyaasada Dalka

#Mahadnaq

Waxaan dhamaan ururka reer waaberi madax diisa iyo tageerayaashiisaba uga mahadnaqaya Hablo Iyo wiilalba sida gobanimada iyo sharafta leh ee aay wakhtigooda iyo maal-kooda ugu hureen in aanu wax ka bedelo siyaasada Dalka.
Waxaan si gaar ah ugu sii mahadnaqayaa hablaha iyo marwooyinka sharfan ee aanan weligay Ilaawi doonin is Garab tagoodii iyo geesinimadoodii. Allaah ha idin xafido.

Waqti iyo dhaqaale kasta oo inaga galay ururka Waaberi waa mid aynu rabnay in aynu wanaag iyo wada jir ugu samayno Dadkeena.

Waxaan dareemi karaa sida aanay dhamaantiin idiin farax gelin go,aan kayga ku saabsan ka fadhiisiga siyaadda ee aan maanta shaaciyey.
Waxaan hubaa sida aad iila fahmi kartaan xaalada cakiran ee lagu jiro maanta, ee aynaan waxba ka qaban Karin, lakiin aynu rabnay in aynu ka hor tagno in aanay dhicin.
Illaahay amni iyo imaan ha Ina siiyo.

Waxaan leeyahay Ilaahay Dadkeena ha waafajiyo wada jir iyo wada noolaansho iyo isaqbalaad Dhamaantood.

Hankaaga wayn bay himiladaadu wax Taraysaa ee dhamaan teen Eebe ha Ina waafajiyo.

Sharaf iyo cisi baan idiin hayaa Reer Waaberi.
Abdirisaq Ibrahim M Ataash

Advertisement

Ku Xayeysiiso