Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta Xafiiskiisa ku shir gudoomiyay kulanka tododbaad laha ee Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta Xafiiskiisa ku shir gudoomiyay kulanka tododbaad laha ee Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Hargaysa 12-02-2023()Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Xafiiskiisa ku shir-gudoomiyay kulanka Todobaad laha ah ee Agaasime waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, kulankan oo todobaad walba maanto kale layskugu imaado ayaa lagaga arinsanayay Habsami u socodka hawlaha shaqo ee Wasaaradda iyo dardargalinta hawlaha shaqo ee Wasaaradda ka socda.

Agaasimaha guud ayaa warbixino kala duwan ka dhagaystay qaar ka mid ah agaasime waaxdeedayda Wasaaradda, iyagoo agasimaha uga Warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay todobaadkan qorshihii Wasaaradda iyo Caqabadaha jira, sidii si wada jir ah looga wada tashan lahaa iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in ahmiyad gaar ah la siiyo.

Agaasimaha guud ayaa bogaadiyay masuulinta kulanka kasoo qayb-gelay sidoo kalena ku amaanay sida wanaagsan ee ay usoo bandhigeen dadaalada ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo, sidoo kale agaasimaha ayaa kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dadaalada iyo gudashada waajibaadkooda qaran sida ugu haboona ugu adeegaan bulshadooda.

Allah mahad leh.
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso