Xoghayihii Guud Ee Golihii Wakiilada Somaliland 1993-Kii Ma Ogtahay Inuu Ahaa Mudane Ka Tirsanaa Isla Golahaasi?

Xoghayihii Guud Ee Golihii Wakiilada Somaliland 1993-Kii Ma Ogtahay Inuu Ahaa Mudane Ka Tirsanaa Isla Golahaasi?

Su’aasha maangalka ah ee aad akhriste iswaydiin kartaa waa sharciga ogolaaday in mudane ka tirsan gole u noqdo xoghaye guud ee isla golahii?
Shirkii ka dhacay Borama sanadkii 1993 ee ay guud ahaan guurtidii beelahii Somaliland ku heshiiyeen seeska na u dhigay qaranimada Somaliland. Dhanka kale heshiiskaa waxa ka mid ahaa in goleyaasha qaranka lagu soo xulo hab-beeleed ,lugu na ansixiyey Axdi-qarameedkii ( National charter) oo dalka lagu xukumeyey sanadihii 1993 ilaa 1997 . Sidaa u dhigayey Axdi-qarameedkii labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiiladu mid walba tiradiisu wax ay ahayd 75 xubnood.

Muj /xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Cabdale ( Cabdiraxmaan-Farjar) waxa u ka mid ahaa xildhibaanaddii golahii wakiilada ee ay guurtidii beelahii Somaliland soo xuleen ( selective ) 1993 kii , ayaa noqday xoghayihii guud ee isla golihii u ka tirsanaa.
Sababta wakhtigaas u xildhibaan Farjar oo ka tirsanaa golihii wakiiladu qabto jaggadii xoghayaha guud ee isla golahii wax ay ahayd qodobka 11 (1) ee Axdi-qarameedkii Somaliland ( National Charter) ayaa tilmaamayey qaab-dhismeedkii golahii wakiilada oo u dhignaa sidan:-
1. Golaha Wakiilada waxa uu ka koobnaanayaa 75 Xubnood (Shan iyo Todobaatan Xubnood) oo leh Guddoomiye, laba Ku-xigeen iyo Xoghaye, waxa kale oo uu samaysanayaa tiro Guddi intii uu u baahdo.
Marxaladdihii sharci ee ka dambeyey Axdi qaraameedkii oo ahaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa (Interm constitution) iyo dastuurku ba waxay nasakheen
(Repealed) qaab-dhismeedka golaha wakiilada .
Dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ( Interm constitution)1997-kii ayaa markii hore meesha ka saaray in xoghayaha guud ee goluhu noqdo mudane ka tirsan golaha sida u dhigayey qodobkii 75 (1). Xoghayaha guud ee golaha wakiiladu wuxu u ka tirsan yahay shaqaalaha golaha wakiilada sida u dhigayo qodobka 52(1) ee dastuurku. Ugu dambayn muj/xildhibaan hore Cabdiraxmaan-Farjar oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayuu ahaa xoghayihii guud ee ugu horeeyey golaha wakiilada isla markaa na ahaa mudane ka tirsan golahii u xoghayaha u ahaa. Waxa suurtagaliyey dhacdadaa Axdi-qarameedkii oo dhigayey in golahu yeesho ,gudoomiye, laba ku xigeen iyo xoghaye.
Garyaqaan Xamse Dubad
Hamsedubad@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso