Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta ka qayb galay shirkii bilaha ahaa, oo iskugu yimaadeen jamacadaha soo saara dhakhaatiirta iyo Qaar ka mid ah Cusbitaalada waawayn ee dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL. Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta ka qayb galay shirkii bilaha ahaa, oo iskugu yimaadeen jamacadaha soo saara dhakhaatiirta iyo Qaar ka mid ah Cusbitaalada waawayn ee dalka.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii loo adkayn lahaa Nidaamka dhakhaatiirtu marto oo ah qayb ka mid ah hayaanka waxbarasho, ayaa kulankan waxaa ka soo qayb galay xubno ka mid ah gudida tacliinta sare iyo Agaasimaha cududa shaqalaha wasarada Horumarinta Caafimaadka, Ag ku xigeenka Cusbitalka way nee Hargeysa, dhiinanka jamacadaha Golis Univeristiy, Burco University, Golis University, Hargeisa University iyo qaar ka mid ah saraakiisha sare ee wasarada Horumarinta Caafimadka.

Gabagabdii shirkan ayaa laysku raacay in bil kasta dabayaaqadeeda la qaban doono isla markanaa cidkasta lagula xisaabtami doono masuuliyada hawshan ay ku leedahay si loo meel mariyo tayeynta iyo taabagalinta carbinta dhakhatiirta xiliga ay joogaan cusbitaalka.

Allaha mahad leh.
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso