Dowladda Burkina Faso, ayaa amar ku bixisay in Ciidamadda Faransiiska ee dalkeeda ku sugan ay kaga baxaan muddo bil gudaheed ah, sida uu ku dhawaaqay Afhayeen u hadlay Dowladda ku meel gaadhka ah ee Militarigu hoggaamiyo Jean-Emmanuel Ouedraogo.

Faransiiska ayaa waxaa dalka Burkina Faso ka jooga ugu yaraan 400 oo Askari kuwaas oo kamid ah Ciidankiisa sida gaarka ah u tababaran, ujeedka Ciidanka loo geeyay Burkina Faso, wuxuu ahaa inay Dowladda ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagaxisada Gobolka Saaxil.

Heshiiskii milatari ee 2018-kii ay wada gaadheen labada dal ayaa marar kala duwan xumaaday balse tan iyo markii ay xukunka la wareegeen Ciidanka waxaa sii xumaaday Xidhiidhka taas oo soo dedejisay go’aanka.

Sanadkii hore Ciidamada Faransiiska ayaa isaga baxay dalka ay dariska yihiin ee Mali kadib markii ay isku dhaceen Hogaamiyayaasha Militariga dalkaasi ee xukunka la wareegay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso