Shirkadda Genel Energy ayaa website-keeda ku qortay xog kooban oo ku saabsan shidaalka Somaliland. Genel Energy waa shirkadda rukhsadda u haysata inay shidaal ka qoddo Somaliland, sidoo kalena waddamo badan, sida Ciraaq, ka qodda shidaalka

Shirkadda Genel Energy ayaa website-keeda ku qortay xog kooban oo ku saabsan shidaalka Somaliland. Genel Energy waa shirkadda rukhsadda u haysata inay shidaal ka qoddo Somaliland, sidoo kalena waddamo badan, sida Ciraaq, ka qodda shidaalka.
Genel Energy ayaa Somaliland ku tilmaantay meel hodan ku ah shidaalka, iyadoo xaddiga shidaal ee qorshaysan ku sheegtay wax ka badan laba bilyan oo foosto.
Sida shirkadda Genel qortay, boqolkiiba 50 ayay shirkaddu bixinaysaa kharashka shidaal qodidda ee ceelka Oodweyne laga qodayo, oo ku astaysan SL-6, SL-7, SL-10A.

Sidoo kale ceelka ku astaysan SL10B13 ayaa shirkadda Genel heshiis kula gashay Somaliland, iyadoo shirkad laga leeyahay dalka Taywan ee CPC ay bixinayso boqkiiba 49 kharashka soo saarista shidaalkaas, halka shirkadda Genel bixinayso boqolkiiba 51, iyadoo la rejaynayo in 200 milyan oo foosto laga soo saaro ceelkaas.
Sidoo kale shirkaddu waxay tilmaantay inay deegaannada Somaliland ka bilowday kaalmooyin iyo maalgalin bulshooyinka ka ag dhaw goobahaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso