Go’aamo ka soo baxay Gudida Naqshadeynta Qaranka Somaliland.

Go’aamo ka soo baxay Gudida Naqshadeynta Qaranka Somaliland.

1. Gudidu Waxay Go’aamisay In Qorahe Magaaleedkii Magaaladda Hargeysa “Hargeisa Master Plan” La Bilaabo Intaanu Dhamaan Sannadkan 2022, Isla Markaana Degdeg Loo Raaciyo Fulinta Master Plan-ka Magaaladad Hargeisa.

2. Gudidu waxay go’aamisay in Maayirka Caasimadda Hargeysa uu horkeeno Gudida Naqshadeynta Qaranka Maps-kii Beeraha Ee Dawladda Hoose ee Hargeysa, baadhitaanka ku sameysay. Isla markaana Gudidu dhaqan galiso 01-01-2023 Mapska Saxda Noqda Ee Uu Soo Gudbiyo Maayirka Caasimadda Hargeysa.

3. Gudidu Waxay Aqbashay Codsigii Maayirka Degmadda Gabilay Ee Uu Gudida Naqshadaynta Qaranka Kaga Soo Codsaday In Wado Ku Wareegta Magaaladda Gabilay Loo Sameeyo, Wadadaas Oo Afmeeri Doonto Qorshe Magaaleedkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Ka Fulisay Magaaladda Gabilay 2019-kii.

4. Gudida Naqshadaynta Qaranku Waxay Fartay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Inay Fuliso Wadada Ku Wareegi Doonta Magaaladda Gabilay Ee Maayirka Degmadda Gabilay Soo Codsaday, Ee Afmeerka Unoqonaysa Qorshe Magaaleedkii Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeyntu Ka Fulisay Magaaladda Gabilay 2019-kii.

5. Gudida Naqshadaynta Qaranku Waxay Ka Mamnuucday Dawladda Hoose Ee Dalka Inaanay Wax Heshiisa Hayadaha Kala Saxeexan Karin Ama Kala Hadli Karin Wixii Khuseeya Qorshe Magaaledyada Magaalooyinka Ama “Master Plan-da.

6. Gudidu waxay go’aamisay in lasii wado xayiraaddii saarnayd Qorshaynta Beeraha iyo Bixinta Dhulka Magaalooyinka aan Qorshe Magaaleed (Master Plan) lahayn ee kala ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, ilaa inta Wasaaradda Hawlaha Guud,Dhulka Iyo Guryeyntu u sameysnayso Qorshe Magaaleed ‘’Master Plan’’.

7. Gudidu sidoo Kale Waxay Mamnuucday In Magaalooyinkaas La Qorsheynayo ee Kala Ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, Inaan La Qorsheyn karin Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada ku yaala Magaalooyinkaas, Sidoo kalena dhammaan Magaalooyinka Dalka ee kale waxa ka mamnuuc ah bixinta Degsiimadda Dhulka Jeexjeexyada, Dooxyada iyo Babacyada ah sida ku cad Xeerka Maamulka Dhulka ee Xeer. No.17

8. Gudidu waxay go’aamisay In Wasaaradda Isgaadhsiinta Iyo Tiknoolajiyada Ay Soo Qaban Qaabiso Shir ay isugu yeedhayso Badhasaabada Gobolada Iyo Mayorada Degmooyinka Si Qorshe Qaran looga yeesho Taawaradda dhexdaadsan Magaalooyinka, Shirkaasina Ku Qabsoomo Mudo Wiiga Iyadoo Lagu Soo Casuumayo Wasaarada Horumarinta Cafimaadka.

9. Gudidu waxay ay go’aamisay in waddo cabirkeedu yahay 12-m ay u dhaxayso madaha ‘’xuduuda’’ labadii Beerood Ee Iskuxigaba Ee Ka yar 10- Hiktar, Beeraha Cabirkoodu ka badan Yahayna 10 hiktar waxa u dhaxaysa wado 20m ah, Waxaan loo xilsaaray Wasaarada Beeraha, Maayarada Degmooyinka iyo Badhsaabadda Goboladda Dalka..

Advertisement

Ku Xayeysiiso