DIGNIIN KA TIMI WHO
Digniin ku saabsan Daawooyinka tayadoodu hoosayso wasakhna kujirto oo laga helay Dalka GAMBIA.
Waxaa jiro ilaa afar sharoobo oo ah kuwa loo isticaamalo caruurta qabo infakshanka neefmareenka ayaa waxaa nala soo wadaagay Hay’adda Caafimaadka Aduunka (WHO), Sharoobooyinka ayaa ah:
1- Promethazine Oral Solution,
2- Kofexmalin Baby Cough Syrup,
3- Makoff Baby Cough Syrup and
4- Magrip N
Ganacstada keentada dawooyinku waa iney iska ilaaliyaan iney dalka keen Sharooboyinkan, Wasaarada Caafimaadkuna arinka ay dabogasho oo ay digniin kasoo saarto cidii dalka keenta in ciqaab la marin doono.
