Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniinta berri si rasmi ah u furi doona, xadhigana uga jari doona Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Hargeysa oo dhamaaday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Isniinta berri si rasmi ah u furi doona, xadhigana uga jari doona Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Hargeysa oo dhamaaday.

Madaxweynuhu wuxuu gacantiisa ku istaadhi doona mashiinada Biyaha soo saaraya iyo kuwa tuuraya ee soo gaadhsinaya Barkadaha Kaydadka Hargeysa ee cusub.

Marka Berri Madaxweynuhu furo dhamaan degmooyinka Hargeysa waxa markii ugu horaysay si siman ay u heli doonan biyaha iyadoo Guri walbaaba uu ka soo jiidan doono qasabadooda biyaha Beebabka cusub ee la dhigay dhamaan degmooyinka Hargeysa.

Biyaha Hargeysa ayaa u guuri doona nidaam cusub oo Tiknoolajiyad lagu maamuli doono iyadoo la hirgaliyay Ceelal dhawr iyo labaatan ah oo biyo ka badan 100% kuwii hore soo saaraya sidoo kalena marka biyo galinta Guryaha la bilaabo ee beebabka dadku ka jiitan ay ogaan doonan inuu dhab noqday Mashruuca Biyaha Hargeys oo muddo dheer shacabku u hanqal tagayeen.

Mareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood ayaan dhawaan ku dhex waraystay xarunta cusub ee Biyo soosaarka ee Geed-deeble ee laf dhabarta u ah Mashruucan dhamaaday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso