Dr. XAGLOTOOSIYE “Dadka (reer Buuhoodle) Haddaan Maanta lala shaqayn ma garan karo si ay 10 sanno oo dambe u sii sugi karaan” 

Dr. XAGLOTOOSIYE “Dadka (reer Buuhoodle) Haddaan Maanta lala shaqayn ma garan karo si ay 10 sanno oo dambe u sii sugi karaan”

 

Buuhoodle (Togaherer) Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Shacabka Somaliland (Somaliland Peaple’s party) Md. Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo hadal ka jeediyey kulan soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey magaalada Laascaanood, ayaa sheegay inay shacbiga gobolada SSC fursad weyn u tahay furida ururrada Siyaasadda, una baahan yihiin xisbig ay hogaankiisa hayaan, ururka SPP-na u taagan yahay midnimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Saleeban Xaglo-toosiye waxa uu intaasi ku daray isagoo farriin u diray bulshada gobolada dhexe ee dalka inay taageeraan oo ay garab istaagaan ururka SPP si ay gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle qayb uga noqdaan wada lahaanshiyaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Guddoomiye Saleeban ayaa ku guubaabiyey inay is-diwaangeliyaan bulshada gobolada Bariga ku dhaqan, gaar ahaan SSC si ay u muujiyaan cududdooda iyo codkooda, ugana qayb-qaataan nidaamka dimuquraadiga ah ee ka jira Somaliland “haddii aynu qayb ka noqono nidaamka dimuquraadiga ah ee Somaliland ka jira oo aynu isdiwaangelino oo Xisbi aynu hogaaminayno soo saarno waxaan hubaa inaynu marar badan dalka madax ka noqon doono”ayuu yidhi.

 

Saleeban Xaglo-toosiye oo dabayaaqadii usbuucii la soo dhaafay socdaal ku gaadhay gobolada Sool iyo Buuhoodle, hadalka uu ka jeediyey madasha waxa uu ku nuuxnuuxsaday “ururka Shacabku wuxuu u taagan yahay midnimada Somaliland” ayuu yidhi mar kale waxaanu raaciyey “dadkani haddii aanay maanta fursad helin oo aan lagala shaqayn ma garan karo si ay toban sanno oo dambe u sii sugi karaan”

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso