Daawo: Muxuu la soo guryo noqxay Madaxweynaha Somaliland Md M.Biixi Cabdi kadib Socdaalkiisii Dalka Ethiopia

Hargeysa-19-01-2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda katirsan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso