“Haddii Xisbiyada la furo waa Dhimashadii Somaliland….Ninka diida inuu 3da xisbi kamid noqdaana waa nin…”Waraysi Kulul oo BBCdu la yeelatay Faysal”

 

Haddii Xisbiyada la furo waa Dhimashada Somaliland….Ninka diida inuu 3da xisbi kamid noqdaa waa nin doonaya in reerkoodu xisbi samaysto taasina waa dhimashada Somaliland”

Waraysi Xiiso Leh Oo BBCdu la yeelatay Faysal Cali Waraabe
“Ninka keliya ee dadka soo saara waa aniga xisbiga laga aflaxaana waa kayga”

 

Waxaa 25 sannadood laga joogaa markii la aasaay xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland , balse marar badan waxaa adag in aad loo kala saaro magaca xisbiga iyo kan hoggaamiyaha xisbigaasi Feysal Cali Waraabe.

Taas keliya uguma wacna caanimada Feysal ee waxaa sidoo kale ay noqon kartaa in uu yahay asaasaha xisbigan , islamarkaasna intii uu xisbigan jirayba isaga madax ka ahaa.

Xisbiga oo dhawr jeer kasoo haray is-reebreebka xisbiyada ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyey ee golaha deegaanka iyo wakiilada kordhiyay saamigiisa siyaasadda, isaga oo gebi ahaanba badeley wajigii hoggaanka goleyaasha Somaliland.

Haddana waxaan maanta si gaar ah isu dul taagayna Feysal Cali Waraabe waa nin caynkee ah, muxuuse yahay xisbigan UCID ee hari waayay?.

Sidee ayuu ku yimid Fikirka xisbiga UCID?

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in fikradda ay ku timid ka dib markii Somaliland ay ka go’aday Soomaaliya, “waxaa Somaliland ka dhacay dagaal sokeeye sannadkii 1992-dii ka dib markii ay is khilaafeen hoggaanka SNM-ta markaas ayaan magaalada London shir ku qabanay oo diiradda ku saareyno in Somaliland aysan sidii Xamar burburin oo aan bad-baadino, waxaana ku fakarnay inaan siyaasadda galno, hoggaanka badalno oo aan soo saarno jiil cusub oo hoggaanka qaban karo.” ayuu yiri.

“1992-dii markii aanu aasaasnay xisbiga ka dib waxaan bilownay inaan laama sameysano, gudaha waxaan ka sameysanay shakhsiyaad, ka dibna 2001-dii waxaan noqonay 19 xubnood waxaana dhisnay ajandaheena 1997-dii.

“Balse sannadkii 2001 bishii May markii la ogolaaday xisbiyada badan ayaan magaalada London ku soo bandhignay, kadibna waxaa inoo timid warqad uu soo qoray Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa xubnaha noo joogo gudaha oo uu ku leeyahay hala joojiyo in ururada la furo, cigaal lagagama qaadi karo doorasho axsaab ee heshiis beeleedkan ku celineynaa marka halkaas baan ku kala jabnay oo 6 qof baan ku soo harnay.”

Maxaa dhacay markii uu Faysal musharaxnimadii xisbiga ku wareejiyay Jamaal Cali Xuseen?

“Waxaa jirtay mar aniga iyo xukuumaddii Siilaanyo isku qabsanay fiiladii internet-ka ee badda marayay markaas oo aan aniga rabay in la dhigo Berbera balse dowladdii Siilaanyo ayaa dooneysay in Jabuuti laga soo jiido oo Somaliland noqoto xarunta labaad, markaas baa waxaa la igu sameeyay in Cabdiraxmaan lay soo adeegsado oo la yiri ninkaa dhagaha adag aan xisbiga ka qaado.

“Waad ogeeyd in Cabdiraxmaan aan aniga guddoomiye ka dhigay oo aan Somaliland dhan dusha ka saaray marka waa tii aan maxkamadda isla galnay oo la rabay in meesha la iga saaro balse tii waa ay dhici kari waysay oo Alle subxaana wataacala ayaa oo celiyay,” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe oo wereysi gaar ah siiyay.

Khilaafkii ka dhashay musharaxnimadda Jamaal Cali Xuseen ayaa ahayd duufaantii ugu weynayd ee gilgishay xisbiga UCID iyo hoggaanka Faysal Cali Waraabe, iyada oo markii dambe ay maxkamad u xukuntay Faysal in uu yahay hoggaanka rasmiga.

Maxaa sababay in 20 sannadood uu keligii xisbiga madax ka ahaado Faysal?

“Ninka keliya ee dadka soo saara waa aniga xisbiga keliya ee lagu soo aflaxana waa kayga, horta midda kale xisbiga ma ahan dukaan la isku dhiibo, waana in qofka ku baddalaya uu yahay qof kula soo aduuday oo habkiisa iyo sharcigiisa og oo socodsiinaya ajendihiisa marka ilaa hadda lama hayo qof noocaas ah,” ayuu yiri Faysal oo halkan ku muujinaya in muddo kale uu majaraha usii hayn doono xisbiga.

Feysal wuxuu aad u dhaliilayaa dadka galay siyaasadda Somaliland tan iyo xilligii gooni isu taagga, wuxuuna ka yiri: “Wali ma aragtay tan 1993-dii qof Somaliland oo Wasiir noqday oo ka soo dhalaala shaqadiisa intaan laba wasiir ka ahayn, marka ma jiro cid xisbi hoggaamiye ka noqon karta oo ama dal hogaamin karta.”

Faysal oo la weydiiyay sababta inta badan ay xisbigiisa u guul dareeysto ayaa si caro leh ugu jawaabay in aysan ceeb ahayn in qofka uu dhacayo isagoo tusaale u soo qaatay madax badan oo tartantay hadana ilaa lix jeer laga guuleystay, waxa uuna sheegay in hadafkiisa uu yayay in Somaliland noqoto dal dhisan oo cagihiisa ku taagan.

Muuqaal Baraha Bulshada aad u qabsaday dhowaanahan oo dhiirogalin ah ayuu Faysal ku sheegay in aanan la niyad jabin, isaga ayuuna tusaale ahaan isugu soo qaatay inta jeer ee uu madaxweynenimo isu sharaxay, kadibna uu dhacay, balse uusan waligiis quusanin. Waxa kale oo uu tusaale usoo qaatay madaxweynaha cusub ee Zambia oo uu sheegay in uu dhawr jeer dhacay, markii dambena uu madaxweyne noqday.

Faysal Cali Waraabe oo su’ashaasi la weydiiyay ayaa sheegay in maalinta xisbiyao siyaasadeed oo dheeraad la aasaaso ay tahay dhimashada Somaliland.

“3-da xisbi waxaa loo sameeyay oo Cigaal u sameeyay AUN waxay ahayd in xisbi qabiil aan la sameyn, mid diin ah iyo mid deegaan aan la sameyn, waad ogeeyd tii ugu dambeysay dad baa lagu dilay, yaa ogolaanaya maanta waad dhacday?

“Ninka doonaya inu diido in 3-da uu ,mid ka noqdo waa nin doonaya in reerkiisa uu xisbi u sameysto taas la ogolaan maayo waa dhimashada Somaliland”, ayuu yiri guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Waa kuma Faysal Cali Waraabe?

Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe} gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanaddii 1948 .

Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu ku qaatay Hargeysa iyo Boorama sanadahihii lixdamaadkii .

Sanadihii 1965kii ilaa 1968 wuxuu waxbarasho jaamicadeed ee injineeriyadda ah ku soo qaatay jaamacadda ee Leningrad ee dalka Ruushka.

1974 ilaa 1976 wuxuu Faysal Cali Waraabe ahaa isuduwaha wasaaradda hawlaha guud ee gobollada Baay iyo Bakool.

Sanadihii 1976 ilaa 1981 wuxuu noqday agaasimaha waaxda qorsheynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud halka 1981 ilaa 1984 wuxuu noqday Faysal madaxii enjineerada ee dawladda hoose ee muqdisho.

1984 ilaa 1990 wuxuu faysal Cali Waraabe ahaa guddoomiyaha sharikad dhisme oo magaceedu ahaa Ayaan . burburkii dawladdi dhexe ee somaliya 1991 wuxuu faysal iyo qoyskiisu u qaxeen dalka Finland . jaamicadda Helsinki ayuu faysal ku bartay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah.

Saddex jeer ayuu u tartamay xika madaxweynenimada Somaliland, intuba kuma uusan guuleysan, wuxuuna heley codadkii ugu tirada yaraa doorashada, inkasta oo doorashooyinkii baarlamaanka 2005-tii uu heley boqolkiiba 26.9%. Doorashadii ugu dambeysay ee sanadkan dhacday , Golaha Wakiilada waxa uu xisbigiisa ka heley 21 xildhibaan oo ka mid ah 82-da xildhibaan ee uu aqalkaasi ka koobanyahay.

Caadi ahaan waa siyaasiga ugu codka dheer Somaliland, waana nin af ma gaaxshe ah, kaas oo ay saxaafadda kasoo xigato hadallo dhaliya hadal hayn badan bulshada dhexdeeda.

Advertisement

Ku Xayeysiiso