Xarun ay ku bahoobeen160 dal oo  Aqoonyahan Yussuf Garas u xulatay mansab guul u soo hooyey  Somaliland

Xarun ay ku bahoobeen160 dal oo  Aqoonyahan Yussuf Garas u xulatay mansab guul u soo hooyey  Somaliland

Washington ( W/wararka) Xarunta nabada iyo cilmi Baadhista caalamiga ah ee loo yaqaanno  Global Peace Chain ayaa aqoonyahan Yuusuf Cismaan Garas u magacawday u qeybsanaha  hay’adaasi ee geeska afrika, gaar ahaanna Somaliland.

Hay’addan Global Peace Chain oo xarumo ku leh in ka badan 160 wadan oo dunida ka tirsan ayaa  ah silsilad mideysa aqoonyahannada dunida ee astaanta u ah hoggaaminta togan ee nabada iyo horumarka bulshada. Waxaanay labadii sannaba mar magacawda hoggaamiyeyaal ah u xulato inay noqdaan safiirrada nabada (Global Peace ambassadors).

Ambassador Yuusuf Garas iyo xilka GLOBAL PEACE CHAIN loo igmada.

Aqoonyahan Yuusuf Cismaan  Garas oo muwaadin u dhashay dalkan Somaliland, xilal kala duwan oo wasiirnimona ka soo qabtay xukuumadda, Sidoo kalena saamayn ku leh jileyaasha Bulshad rayidka ah ee Geeska Afrika  ayaa loo xishay in uu kamid noqdo danjireyaasha nabada ee hay,adda Global Peace chain 2021 ilaa 2023. Waxaanna sidaas lagu sheegay qoraal uu ku lifaaqan yahay magaciisa iyo xilkiisa,   kaasi oo uu ku saxeexan yahay    agaasinka fulinta ee hay,adsaas.

“Tani waxay caddaynaysaa in Yuusuf Cismaan Garas  loo magacaabay jagada safiirka nabadda ee sannadka 2021 illaa 2023”. Sidaas ayaa lagu sheegay lifaaqa lagu magacaabay Yuusuf Garas.

Hay,addan oo sida aynu kor ku soo xusnay laamo ku leh in kabadan 160 wadan oo caalamka ah ayaa qodobka muhiimada lihi yahay in Somaliland kamid noqoto iyada kasoocan wixii hore la isugu odhan jiray Soomaaliya taasoo sida qaalibka ah uu caalamku hal dal iskaga dhigi jiray. Hase yeeshee Global Peace ayaa sida ay boggeeda xidhiidhka bulshada ku suntan ay  Somaliland iyo soomaaliya u kalq soocday laba dal oo kala madax banaan.

GPS  waa astaanta u
urur dhisme nabadeed oo caalami ah oo la aasaasay July 02,2018 waxayna xafiis ku leeyihiin Maraykanka iyo Xafiisyada Gobolka ee Pakistan, Nepal, Burundi iyo Mauritius si loo xoojiyo hoggaaminta Dhallinyarada iyo horumarka.  Silsiladdu waxay astaan ​​u tahay dunta kala-duwanaanshaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso