Daalibaan ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay guud ahaan gobolka Panjshir iyo hogaamiyaashii iska caabinta dooxada panjishir oo jaan iyo cidhib meeley dhigeen lalayey

Daalibaan ayaa ku dhawaaqday inay la wareegtay guud ahaan gobolka Panjshir, oo ah aaggii ugu dambeeyay ee Afgaanistaan ​​oo gacanta ugu jiray xoogagga kasoo horjeeda xarakada, taas beddelkeeda, xarakadu waxay soo gabagabaynaysaa ku dhawaaqistii dowladda.

Afhayeenka Daalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay saaka, Isniintii, in xarakadu ay ballaarisay maamulka gobolka waqooyi -bari ee dalka, sidaasna ay ku dhammaystirtay maamulka Afghanistan oo dhan xilli ay isu diyaarineyso inay ku dhawaaqdo dowladdeeda.

Markii dambe, Mujaahid ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kabul si uu ugu dhawaaqo in “dagaalka Afgaanistaan ​​uu si rasmi ah u dhammaaday” ka dib markii uu la wareegay Panjshir, wuxuuna isku dayay in uu u xaqiijiyo dadka gobolka in aysan jiri doonin wax takoor ah.

Mujaahid wuxuu sheegay in saraakiil badan oo hore ay uga tageen gobolka Panjshir dibedda, isagoo xusay in qaar badan oo ka mid ah ay u weecdeen gobolka si ay u sii wadaan iska caabinta, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inaysan jirin wax qiil u ah sii socoshada dagaalka Afgaanistaan ​​iyo waa waqtigii la dhisi lahaa dalka hooyo.

Wuxuu intaas ku daray in xarakadu ay si dhab ah isugu dayday inay dhibaatada Panjshir si nabad ah ku xalliso, laakiin dadaalkeedii wuu fashilmay, sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku nuuxnuuxsaday in kuwa ka tagay Panjshir iyo Afghanistan ay soo laaban karaan waqti kasta.

Daalibaan ayaa sii daayay sawirro iyo muuqaallo muujinaya hoggaamiyeyaal iyo dagaalyahanno ka tirsan dhaqdhaqaaqa oo galaya magaalada Pazarak, oo ah xarunta Panjshir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso