Dhaqaalle ay Somaliland U Qoondaysay Dhismaha Kawaanka Xuddun Oo la lunsaday & Puntland oo ka Faaiideysatay

Dhaqaalle ay Somaliland U Qoondaysay Dhismaha Kawaanka Xuddun Oo la lunsaday & Puntland oo ka Faaiideysatay

Xudun (Togaherer) Guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Xudun Maxamed Jaamac Xirsi Oogle oo uu wehelinayo xisaabiyaha banka laantiisa laascaanood Cabdifataax Ducaale Jaamac iyo qaar kamida waxgaradka degmada Xudun ayaa 22kii bishan 8aad ee 202ka ka dhagax dhigay Xarun ay ku tilmaameen inay tahay Xarunta Gawraca ee degmada Xudun, halka dhawaana wasaarada arrimaha gudaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Baanka dhexe ee JSL ay horumarin u siiyeen lacagtii dhismahaasi ku bixi lahayd balse ay noqotay mid waxba kama jiraan ah kadib markii ay i wefti ka socda Maamulka Puntland ay isla maalinkaasi dhagax dhigeen isla xarunta ay xukuumadda somaliland sheegtay inay hirgelinayso ee kawaanka.
Weftiga ka socday madaxtooyada Puntland oo ay hormuud ka ahayd Sucaad Cabdillaahi Galow oo ay weheliyaan cuqaal iyo waxgaradkale ayaa isla goobtaasi degmada xudun kadhagax dhigeen xaruntii gawraca iyo sayladii xoolaha oo aysheegeen inay sidhakhso ah udhisidoonaan xaruntani.
Arintan ayaa bulshada deegaanka degmada xudun ay kutilmaameen in la lunsaday lacagtii somaliland ugu talo gashay dhismahaasi.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso