adhani Miyaanay Somaliland ka mid ahayn? Qore: Cabdi Muhumed

Badhani Miyaanay Somaliland ka mid ahayn?

Waa 16kii August waxaana i soo gaadhaya war naxdin leh oo ah qabashadda ama qafaalasho lagula kacay Sheekh Maxamed Ismaaciil iyadoo shalay oo ay ahayd 15 isla bishan August, markii uu sheekhu soo duubay cod ah warkiisa iyo siddii wax u dhaceen kana sheekeeyay sidii uu ku tagay Ceerigaabo iyo Badhan iyo inay ahayd heshiisiin laba qoys oo aabbo wada dhalay oo tushuush soo kala dhex galay. Arintan oo marka hore ba ay ahayd in dawladda Somaliland ee leh mid hoose iyo mid sare ee joogta min Ceerigaabo ilaa Hargaysa ay marka horeba dhamayso oo ay yeelato awooddii ay ku furdaamin lahayd dhibaatooyinka kumaankumka ah ee haysta bulshadda reer Somaliland, kuwaasi oo ay ugu yar tahay taa qoyskaa loogu yeedhay sheekh Maxamed Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Cali Biixi. Arinkan iyaga ayaa culimadu isu xilqaamay, una tagay Ceerigaabo oo ay ka sugnaayeen mudo 28 cisho ah iyadoo dawladdii xilkaa lahayd aan la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigtay ee xilkaa gudan lahayd. Haba joogto xilfurasho e waxaa laga soo caydhiyay Sheekh Maxamed Ismaaciil magaaladdii Ceerigaabo ee uu u tagay inay soo dhex dhigaan heshiis qoyskaa labada daraf ah ee uu shaydaanku ka adeegay sida uu inoo sheegay Sh.Maxamed Ismaaciil.

Waxa uu warkiisa ku bilaabay Sheekh Maxamed Ismaaciil “in uu u yimi sarkaal sheegay inuu ka socdo sirdoonka magacii ba’ay ee Somaliland, kaasi oo u sheegay in barri marka uu quraacdo uu jarmaado kaga baxo magaaladda Ceerigaabo kuna hoydo Hargaysa caawa ka dibna uu meharadiisa kula kulmi doono qaybo ka socda xukuumadda marka uu Hargaysa gaadho. Sidaana uu ku ogaan doono sababta loo haysto” taasi sheekha fajiciso ayay ku noqotay, waxaanu codsaday inuu dhameeyo hawshii uu halkaa u tagay oo kaabbigga soo saaran inay soo gabogabawdo waa laga diiday oo xukun qarqooshka Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) waa uu ku gacan saydhay codsigii sheekha sidaa daraadeed Sheekhu waxa uu yeelay sidii la faray waxaanu 8 habeenimo ee danbe Hargaysa ku soo beegmay ka dib jarmaadaddii saaka ee Ceerigaabo. Kaasi oo sheekhu uu inoo tilmaamay in sidii Ruushka oo ay xukuumaddii Siyaad Barre markii ay fartay inuu Somaliya ka baxo ay siisay inuu ku baxo 48 saacadood oo ay dhaantay xukunkan silloon ee Sirdoonka Somaliland.

Warkii ahaa waxaad ugu tagi doontaa meharadaaddii Hargaysa qof ka socda sirdoonka silloon ee Somaliland ayaa noqday mid aan waxba ka jirin sheekh Maxamed Ismaaciilna markii uu Hargaysa soo gaadhay iyo meharadiisii cid uguma iman. Waar annagaa belo aragnay, haddana isaga iyo walaalkii ayaa la xidhiidhay sirdoonkii silloonaa ee Somaliland, waxaana loo sheegay in cid doonaysaa aanay jirin sida uu ku waramay sheekh Maxamed Ismaaciil markii ay la xidheedheen Faysal Cabdi Gahayr oo ah ku xiggeenka sirdoonka silloon ee Somaliland. Waa cibaaro kale oo maxaa marka horeba kiis aan jirin Sheekh Maxamed loogu haystay? haddii sirdoonkii siloonaa ee markii horena lahaa anagaa ku haysana iminkana leh anagu kuma haysano kiisku ha jiro ama yuu jirine, maxaa sirdoonka Somaliland soo galiyay meesha? Haddii kiis jiro, maxaa loo mari waayay dariiqa caddigga ah sida booliska oo kiiska baadha ka dibna haddii wax lagu helo sheekha in la mariyo dariiqa sax ah oo maxkamad loo gudbiyo? Waaba haddii ay wax jiraan lagu hayo oo cad sheekha, taasi ma dhicin haddiise sidaa lagu kala tagay isla markii sidaa lagu kala hoyday ayaa ka dib sheekhii waayay cid meheraddiisii ku sugaysa iyo sirdoonka siloonaa ee Somaliland beena noqotay wixii sarkaalkii sirdoonka siloon ee Somaliland Ceerigaabo kaga soo mastaafuriyay siddii Sacuudigga, Sheekhu waa uu waayay cid ku tidhaa haa oo waa sidaa iyo sidaa wixii lagugu haystay. Maxaa keenay haddana maalin ka dib in la xidho? oo aan kaga war helay Face-booga oo inan aad u murugaysan oo ka mid ah dhasha sheekhu ay aabbeheed ka baafinaysay, siddii dadkii la waayi jiray ee BBCda iyo meelo la mida laga baafin jiray, kadib markii wakhti qiyaastii ku beegan 17 bisha August la qafaashay sheekhii oo aan la ogayn meel la geeyay iyo inantiisa oo ooyaysa oo aad u tiiraanyasan oo si toosa ula hadlaysa Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) oo leh aabbahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay ma ogin ee xukuumadda ayaanu u haysanaa halkii ay gaysay aabbahay! waa cibaaro kale in xukuumad ku sheegta somaliland hadh cad ka dafto dadka meheradahoodda waar meeye ha’ayadihii xuquuqal insaankii la inoo sheegi jiray? sharciggii iyo kala danbayntii meeday? Sharciggii iyo dastuurkii dalku lahaa yaa la wareegay? oo ka dhigay mid hadh cad la sii dafo. Dee mar haddii ay halkaa marayso nin walowba is difaac ayay noqonaysaa oo yaan dagnaan laguugu iman hadda iyo wixii ka danbeeya.

Janaraal Doolaal oo waraysiyo uu leeyahay dhawaan la baahiyay kaasi oo ka sheekaynayay labaatan Jirow jeelkii la odhan jiray oo uu kala baxsaday Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) isagoo Cali Samatar iyo Siyaad Barre u diyaariyeen inuu liinta ku cabo kulana eeragtay nafta waa Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) safaaradda Maraykanku ku lahaa Muqdisho xilliggaa, kaasi oo cagodhabad ku tagay USA kana badbaaday in lagu tuuro Labaatan Jirow sababta baxsadkana uu lahaa janaraal Doolaal oo wax badan xeeriyay oo ay ka mid ahaayeen inay Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) iyo Janaraalku yaraantii is yaqaaneen saaxiibna ahaayeen Abtina uu u yahay Muuse oo janaraalka ay dhaleen Ardaagga uu ka soo jeeddo Muuse Biixi Cabdi (Wax Ma Yaqaan) iyo asbaabo kale kuwaas iyo Alle mahaddii oo aan u qorin in la qabto oo lagu tuuro jeelkaa arxanka darraa ee Labaatan JIirow kaas ayaa maanta oo uu inoo sheegayo inuu yahay madaxwaynhii Somaliland garan kari la’ ka daa dadka reer Somaliland cadibaadda iyo hagardaamadda ay ku hayso xukuumadaaddu oo labaatan jibbaaran tahay intii ay timi xukuumadaadan aan la mahadina Meesha timi taasi oo kolba qof iyo qofaf xabsiydda ku guraysa si sharci darro ah inta ay ka soo dafto daafaha Somaliland. Xusuusana in lagaala baxsaday jeelkii Labataan jirow ee aad liinta ku cabbi lahayd sanooyin badan ka hor oo u soo noqo sharcigga iyo qawaaniinta farahana ka qaad si dhakhso Sheekh Maxamed Ismaaciil oo carruurtiisa iyo ehelkiisa iyo shaqadiisiiba ha u noqdo mid dib ugu soo laabta oo xorriyaddiisii dib u hela, haddii kale inaad tahay abaal laawe shalay markii uu kolba qof baryaya ee uu lahaa abti ayaan kuu ahay ee uu magangalyadda doonayay lagagaala baxsanayay Jeelkii Labaatan Jirow.

Haddiise aad diido sidaa oo aad sharcigga ku qaadato gacmahaagga, dadku waa ay is difaaci oo qof waliba wixii uu ku waayay caddaalad wuxuu ku heli caddaalad darro. Dalkuna wuxuu gali fowdo aan laga soo waaqsan, waana loo barooran kala danbayntii iyo nabad galyaddii ay inoo yabyabeen guurtiddii xulka ahayd iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Qore: Cabdi Muhumed
Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso